Daawo:Diyaaradii Waday Xasan Sheekh oo Laga Filaayey Gaalkacyo ayaa ka Dagtay Dhusamareeb

xasansheekh

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo laga Filaayey Koonfurta Gaalkacyo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa laga filaayey inuu maanta ka dago Koonfurta gaalkacyo ayaa ka baaqday kadib markii Puntland ay ka digtay imaatinka Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.