Xagee Martay Dhaartii Reer Galmudug Ay Ugu Gafeen Dadka Koonfurgalbeed

Galmudug

Aan idin xasuusiyo dhaartii caan baxday ee siyaasiyiin, aqoonyahaniin,culumo iyo saraakiil reer Galmuduga ugu dhaarteen Xassan Shiikh markii uu u qalabqaatay in uu dumiyo maamulkii Galmudug ee ahayd (GALMUDUG NOQONMAYSO KOOFURGALBEED IYO ANNAGU MANIHIN BEERALEEYDA MASAAKIINTA AH).


Waxaan shacbiweynaha Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay ila xaalmariyaan dadka Koofurgalbeed Soomaaliya oo Erayo aan fiicneyn wax magartadaas hawada u mariyeen oo aan leeyahay boqol jeer raali ahaada.! Marka xiga Koofurgalbeed Soomaaliya waxaa loo adeegsaday awoodii dawlada Soomaaliya oo cir iyo dhul ilaa maantana isma dhiibin oo naf iyo maal waxay u hurayaan in aan lagu qasbin wax ayyan rabin ilaa maantana waa dagaalamayaan meesha ay ku danbayn doonto Alle baa og.


Dhinaca kale haddii sida aan soo sheegnay Digil iyo Mirifle ilaa maanta diyaarado iyo madaafiic lagula diriraayo. Reer galmudug waxaa loo adeegsaday doorashadod ama duminta maamulkooda dhangad,sidaas awgeed waa taariikh ee qof walba hoosta ha ka xariiqo haddii Xamar iyo Baydhabo doorashadii laga hirgeliyey aanu ogayn in ay ahayd qof iyo qori Galmudug waxaa lagu hirgeliyey qof iyo dhangad ama qof iyo ul, kaaga daran Koofurgalbeed ninka loo dhiibay waa Shiikh Aaden Madoobe oo xooladoon ah oo doonaayo in uu halkaas maalka tabco waa shaqotag musuqmaasuq Galmudugna waa Liibaan oo ah shaqotag ka macaashid maandooriyayaal,ila daawo kilibkaan.


Ugu danbayn waxaana weli ka quusan in Reer Galmudug gafkii shaqsiyaad ka soo jeeda Galmudug la helo iqyaar ka raaligeliya kana xaal mariya.

wa bilaahi Towfiiq. Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.