caleemo Saarkii Yaabka Lahaa ee Baydhabo W/Q A.J.Farah

Xasansheelh

Waxaa 6/07/2026 ka dhacay caleemasaar Baydhabo ayyada oo lagu caleemasaaray Aaden Madoobe oo si qasab ah lagu geeyey si uu u noqda hogaamiyaha maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Markii aan dhegeystay qudbadihii halkaas laga jeediyey gaar ahaan tii Xassan Shiikh Maxamuud ayyaan is weydiiyey dadka lala hadlayaa miyey hurdaan, madaxda hadlaysaase ma sarqaan baa? Maxaa Igu dhaliyey su’aasha sare?.


1-miyaan duulaan hubaysan oo loo adeegsaday ciidanka XDS iyo hubkoodii lagu maquunin Maamulkii Koofurgalbeed.


2-waxaa hadaladii ka mid ahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacday saddex iyo toban degmo, bal aan isweydiino degmooyinka Xassan shiikh sheegay ayyagu meysu socon karaan?.


3- Maalintii Baydhabo lagu duulay ilaa maanta inta naf ku baxday iyo dhiiga daatay oo weli socda ma wax la qarin karaa?.


4-Wuxuu Xassan Shiikh ku faanay tii ka fool xumayd oo doorasha ku sheega ahayd oo Xamar ka dhacday qofkeen ogayn?.


5-Waxaan ogayn doorashadii dadbanayd oo nin meel loo rabo minxiis loo sameeyo ma waxaan ku badalanaa doorasho xisbiga JSP oo minxiiskiisa wata?


6-Xassan Shiikh wuxuu sheegay in dalka oo dhan nabad yahay oo Alshabaab laga horeeyey doorashana laga samaynaayo, yaa haya gobol gobol u socon kara,degmo degmo u socon karta iyo maamul maamul kale u socon kara?.


7-Miyaan xaalka dhabta ah ee Soomaaliya ku sugan tahay ahayn in laba dawladood ku loolamayaan mid walba in ayyadu Soomaaliya qaadato?.
Fadlan bal su,aalahaan jawaab u hela inta hurdada aad ku jirtaan ka kacdaan.


Wabilaahi Towfiiq
A.J.Farah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.