Maanta oo ah 1da Luulyo 2026 waxay ii leedahay xusuus 30 sano ahayd oo aan farxad iyo hambalyo ku soo dhaweeyey maantase aniga oo 80 jir ah waxay ii tahay murugo iyo baroordiiq waxayna Ila tahay in qofkii dhiig Soomaaliyeed ku jiro arintaas Ila qabo,waayo sawirka dhabta ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed leeyahay maanta iyo sababaha hoose darteed:-.
1- Ma waxaan u dabaaldegaa sideed dawladood iyo sideed madaxweyne oo dalkayga Soomaaliya loo qaybiyey.
2-Ma waxaan ku farxaa calanka Israa,iil ee Hargeysa ka taagan.
3- Ma gamikaraa ayyada oo Cadawga ummadda Soomaaliyeed ayyagu ka taliyaan dalka Soomaaliya.
4-Ma ku qanci karnaa dalkayagu in uu gacanta ugu jiro Keenya, Itoobiya iyo Israa,iil.
5-Gobolka Banaadir oo ah meesha kaliya oo calanka Soomaaliya ka taagan yahayna sow beesha caalamku ma xukunto maxaa Faraha noogu jira?
6-Ma ku farxi karnaa kala qaybsanaanta dalka, colaada, dhiiga shacbiga iyo dhalinyarada ee ku qubanaaya Kismaanyo ilaa Boorame.
7- Burburka,qaxa ,barakicinta iyo dadka aan haysan hoy,hu, iyo hunguri toona daafaha dalka oo dhan.
Ugu dambayn Soomaaliyeey maxaad ugu baraarugi la’dihiin in dawlada shisheeye u qorshaysan tahay in ay kala qaybsadaan dalkeena hooyo, ugu danbayn ninkii qaybiil deeqaa hayska hurdo dhaxalkiisu waa dal la’aan sida Falastiin maanta tahay ninkii Soomaalinimada qaymaheeda garanayaa jahaad, isxorayn iyo midnimo Soomaaliyeed ha u istaago, waxaana ka digayaa in afarta nin oo maanta Soomaaliya iibsanaaya aynaan ka sugin in ay idin badbaadiyaan oo kala ah Axmed Madoobe,Xassan,Deni iyo Ciro,
Wa bilaahi Towfiiq.
A.j.Farah
Leave a Reply