Daawo:Ujeedka Safarka Xasan Sheekh ku Tagay Dalka Itoobiya

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Itoobiya ayaa daaran xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa kulan la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli-doona xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.