26ka Juun waa maalin xusuus weyn u leh ummadda Soomaalida ah meel kasta oo ay ku nool yihiin, waxaa na soo maray 30 sano oo aan ku soo dhaweynay bogaadin, rayrayn, qadarin, weyneyn iyo in aan u mahadcelino kuwii iska lahaa guushii 26kii Juun 1960kii oo ahayd markii u horeysay oo calanka buluuga ah ee astaanta xidigta cad shan geeska ah dhexda ku leh, isku sheegi mayno macnaha calankayaga oo ah shantii qaybood oo gumeystihii reer Yurub u qaybiyeen 1884tii (BARLIN CONFERENCE) Soomaaliweyn isku baadi goobkooda.
Halgankaas waa noolaa ilaa 1991kii waxaase barbarsocday dagaal gumeystihii waday oo ahayd dib u kala qaybin midowgii Waqooyi iyo Koofur Soomaliya oo sodonka sano oo sare ku xusan waday dagaal qaboow oo siyaasadeed kuna guuleystay 1991kii in uu damiyo dabkii guusha oo shidmay 1960kii.
Waa nala lagday 36 sano maalin laga joogo waxaana ayaandaro ah in xaal kayagu ilaa maanta yahay(DOQONI MA GARAN KARTO HAKA LAGA QANIINAY) qiyaanadii iyo tab iyo xeeshii nagu dhacday weli waan garan lanahay annaga ayaana gacmahayaga iyo afkayaga ku fulinay hooga iyo halaagii cadawgu noo maleegay.
Aan soo gunaanadee arintaan 36 sano siyaasi, aqoonyahan iyo waxgaradka Soomaalida ee xalka raadinayaa waxay ku wadaan (KHALAD KHALAD KU SAX) Waxaan oranayaa reer waqooyiyoow reer Koofur ha eedayn, reer Koofuroowna reer Waqooyi ha eedayn af kayyaga iyo adinkayaga cadaw baa adeejiyey ninkii qolo eedeeya Iyo kan xaal marin qolo u dira waa khalad khalad ku sax ee (RAG WAA KII KUFA OO HADDANA KACA).
Cadawga yaanaan u shaqayn oo yaanaan annagu isku mushquulin ee (CAANA DAATA DABADOODAA LAQABTAA) ee aan is daba qabano oo aan hadaanta cadawgu nagu riday ka soo baxno.
Wabilaahi Towfiiq,
A.J.Farah
Leave a Reply