Dadka tirada yar oo aniga da’dayda ah ma filayo jiilkii aniga iga weynaa in wax la sheegaa ka hareene wax ay ku tilmaaman garan maayaan ,waayo waxaan ku indha qaadnay mirihii ka dhashay halgamayaashii gobanimada dhaliyey ee la dagaalamay gumeystihii caddaa oo ay dalka ka xoreeyeen.
Xaalku sidii uu ahaa qofkii joogay maanta waw ciil, caloolxumo iyo muraara dilaac,haddii aan wax yar ka soo qaato magaca Soomaalida meel kasta ha ku noolaadee waxaa ka dhexeeyey jacayl iyo midnimo.
-waxay lahaayeen astaan kaliya ee ah calanka buluugaa ee xidigta shangeeska ah leh oo tilmaan u ah shan Soomaaliyeed oo isticmaarkii kala qaybiyey dib u mideyntooda.
-waxaan lahayn ciidanka XDS oo cadawga dibada iyo xoraynta Soomaalida la gumeysto u tababaran iyo ciidan boolisa oo amniga gudaha u tababaran kuwaas oo marka shacbigu arko aad ugu farxijreen .
-Waxaan lahayn shacbi ay ka muuqatay jacaylka dalka iyo diinta.
Maxaa badalay maanta?.
-Waxaa meesha ka baxay isku duubnidii dadka Soomaalidaa ee mideysnaa.
-waxaa la sarifay dawladii Midka ahayd ee Soomaaliya oo loo qaybiyey dawlado qabiileysan oo gaaraaya ilaa sideed ayyada oo magacii madaxweyne isna la sarifay oo sideeda meelood mid kasta leedahay madaxweyne hayadihiisu u dhan yihiin.
-Waxaa dalka Soomaaliya ka jira ciidamo aan kala amarqaadan oo qof iyo qabiil u shaqeeya sida:-
Ciidanka Ciro ,ciidanka Deni, ciidanka qoor qoor,ciidanka Cali Guudlaawe,ciidanka Xassan Shiikh, ciidanka Laftagareen iyo kan Axmed Madoobe,weliba ku dar kuwa shaqsiyaad kale sida ciidanka hebel iyo ciidanka reer hebel.
-Waxaa ka sii daran sideed tastuur oo qabiileysan oo qolo kasta danqabiil iyo reer hebel iska ilaali u qoratay oo middi middi ku taag ah.
Aan ku soo gunaanado kuwa siyaasiinta sheeganaya ee xamar ku hardamaya sow uma eka labadii nin oo hooyadood oo qaawan haraga ku dirirtay.
Ma garanwaayeen in rag maal badan iyo maskax badan ku bixiyeen in sidaas naloo suurad xumeeyo qarkana aan u saaran nahay in magaca Soomaaliya iyo maabka naloo yaqaan laga waayo dunidda.
Soomaaliyeey waa naloo tashaday ee ma tashanaa mise hadaanta rag noo qoday baan gacmahayaga isku xabaalnaa,
Wabilaahi towfiiq.
Jimcaale
Leave a Reply