Jubbaland oo Dowlada Ku eedeysay inay ka masuul tahay odayaal lagu dilay Baladxaawo

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee gobolka Gedo, Jenaraal Cabaas Aadan Gurey, ayaa fayl guud kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta, isagoo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan taliska.

Taliyaha ayaa ciidamada ku wargeliyay in dhawaan la bilaabi doono howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha nabadda diiddan, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan kooxo laga soo abaabulay Muqdisho oo dhibaato ku haya shacabka ku nool degmada Baladxaawo, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si degdeg ah tallaabooyin looga qaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.