Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhibaatada joogtada ah ee Madaxyne Xasan Sheekh lu hayo Shacabka Muqdisho.
Dilka, barakicinta iyo caburinta sii socota ee ay xukuumadda Xasan Sheekh ku hayso shacabka ku dhaqan Muqdisho ma’aha wax la aqbali karo, waxaana tallaabooyinkan gurracani ay horseed u noqon karaan kacdoon dad weyne iyo in shacabku ay dowladnimada ka niyad jabaan.
Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah xabsiga looga sii daayo Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke maxamuud Axmed oo ugu dambeeyey dhallinyarada ay dowladdu sida sharcidarrada ah u xirtay, si loo aamusiiyo codka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey dhibaatada lagu hayo shacabka.
Ugu dambayn, Waxaan xukuumadda ku adkaynaynaa in ay joojiso barakicinta, dilka muwaadiniinta, ku tacaddiga shacabka iyo cabburinta dhallinyarada, maalmahan kooban ee u harayna ay kaga shaqeeyaan sidii dalka looga badbaadin lahaa firaaqa dastuuriga ah ee uu galay, isla markaana loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay oo hufan.
Dhammaad
Leave a Reply