Sawiro:Madaxweyne Xasan oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyadoo Madaxweyne Xasan iyo Erdoğan ay dul-istaageen miro-dhalka iskaashiga maalgashi ee Soomaaliya iyo Turkiga oo meel sare gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Turkiga doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo amniga.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxa ayna hambalyeeyeen billowga soo saarista shidaalka Soomaaliya oo markabkii qodi lahaa uu soo gaaray dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.