UK oo Ka Hadashay Khilaafka Koonfurgalbeed iyo Dowlada

koonfur

Dowladda Ingiriiska ayaa war kasoo saartay xaaladda taagan ee ka dhalatay khilaafka Dowladda Federalka iyo Maamulka Koonfurgalbeed.

Qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa looga digay in xaaladaha taagan ay abuuraan xasilooni darro saameysa bulshada deegaanka oo horay ula tacaalayey abaaraha jira.

Dowladda Ingiriiska ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay mudnaanta siiyaan yareynta xiisadda,Islamarkaana ay xiriir la sameyneyso oo ay la hadlayso dhinacayada ay quseyso ee heer federaal iyo heer dowlad goboleedba.

Uk ayaa intaas ku dartay inay dhiirigelineyso wadahadal wax dhisaya oo loo dhan yahay oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha sidoo kalena soo dhaweyneyso dadaallada dhexdhexaadinta ee socda ee odayaasha dhaqanka si ay gacan uga geystaan ​​sidii loo heli lahaa waddo nabad ah oo xiisadaha looga gudbo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.