Erayadaan waa kuwo xasuus leh oo Mingiste Hayle Maryam uu ku hadlay 1977dii Shirka sanadlahaa ee Ururka Midowga Afrika, waana Sababtii soo dedajisay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii AHN Jaalle Maxamed Siyaad Barre ka carooday kana soo baxay shirkii oo socda asaga oo diyaaradiisii qaaska ahayd soo qaatay iskana soo hormariyey fartiin shir dad wsyne oo la sii diyaariyo.
Shacbiga iyo masuuliintii kale ee Soomaalida waxay iskugu yimaadeen Beerta Daraawiishta ee dadku u yaqaan taalada Sayidka.
Halkaas dadkii iskugu yimid oo aan Anigu ka mid ahaa oo hogaaminayey dadweynihii ka yimid degmada Wartanabada maadaama aan markaas ka shaqaynaayey degmadaas, dadku ma dareemayn qorax kulul oo jirtay waxa ka dhacay shirka Afrika dadku raadiyaha bay kala socdeen iyo in madaxweynuhu cara kala soo tagay waxayna dhararsanayeen in Jaale Siyaad soo caga dhigto iyo hadalka uu jeedin doono.
Barxada weyn ee fagaarahaas dadku waa buuxdhaafiyey oo ilyarta baa isqabsatay, madax iyo mijo reer Moqdishow ma kala maqnayn, Ugu danbayna asaga oo aan meelna ku leexan buu toos u yimid Taalada Sayidka, hadal kooban oo wixii shrika Afrika Mingiste waa madaxweynihii Itoobiyee shirka ka yiri, carada uu shirka uga soo baxay iyo in dalku dagaal galayo sababtaas darteed ka jeediyey meeshaas asaga oo ku soo gabagabeeyey (Hadal badan Mingeste anaguna hawl badan baan qabanaynaa).
Bal dib wax u eega waa qarnigii 14naad markii Soomaalidii Axmed Gurey la dagaalay Xabashi oo rabtay in ay qaadato geyiga Soomaaliyeed, waxaynu ogayn 1964tii dawladii curdanka ahayd markii ay damacday in ay liqdo,laakiin Rabbi iyo raggii waayadaas baa diiday,waase su’aale raga maanta sideeda calan iyo sideeda madaxweyne sheeganayaa ma Komdhomyaa? Shacbiga Soomaalidu ma wada meyd baa?.
Miyaan loo jeedin in dalkayaga in la kala qaybsado qarka u saaran yahay?.
Culumadii, dhalinyarada,aqoonyahankii iyo dhaqanka Soomaalida dhammaan ma hurdaan? (REER BA,YOOW YAA KU LEH).
Wabilaahi Towfiiq.
Jimcaale
Leave a Reply