Ninka weeraray Xildhibaanadda Ilhan Omar xilli ay ka qaybgaleysay kulan dadweyne oo ka dhacay Minneapolis kaas oo looga hadlaayey dhibaatada ICE ayaa la shaaciyay magaciisa.
sida ay qoreen qara ka mid ah warbaahinta ninkan ayaa lagu magacaabaa Anthony Kazmierczak, waa 55 sano jir.
Anthony Kazmierczak ayaa markii dambe lagu soo oogay dembiga weerar darajo saddexaad, waxaana la dhigay xabsiga.
Booliiska ayaa waxay sheegeen in ninkan waxa uu sitay ay ahayd irbad ay ku jireen walxo dareera ah.
Booliiska Minneapolis ayaa sidoo kale sheegay in saynisyahanno baaritaanada ku xeel-dheer ay ka ururinayaan caddeymo goobta ka dhacday weerarka, si loo ogaado maadada lagu buufiyay xildhibaanada iyo guud waxa dhacay.
Qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada, Duqa Minneapolis, Jacob Frey, ayaa yiri: “Rabshad iyo cabsi gelin meel kuma laha Minneapolis. Waxaan is khilaafi karnaa annagoo aan khatar gelin dadka… Dabeecaddan noocaas ah laguma dulqaadan doono magaaladaheena.”
Leave a Reply