Aadan Madoobe oo Been Ka Sheegay Kulankii Xidhibaanada oo aan Qabsoomin

Aadanmadoobe

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelan lahaa xarunta Golaha Shacabka kaas oo ku soo dhamaaday buuq iyo Feer.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa warbixin qaldan u gudbiyey warbaahinta dowlada isagoo sheegay in mudanayaasha labada aqal loo qeybiyey warbixinta soo jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, gaar ahaan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad. Sidoo kale, xildhibaannada waxaa la siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan soo jeedimahaas, iyo soo jeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa markii u adkaysan waayey buuq iyo firibiga ka socda xarunta barlamaanka Soomaaliya iskaga baxay fadhigii barlamaanka waxaana xarunta barlamaanka lagu arkaayey waraqihii anjadaha barlamaanka oo dhulka daadsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.