Marka u horeysa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacbiga reer Boorame oo xasuuqa arxandaradaa ku socdo, waxaana Alle uga baryayaa inta dhimatay in uu janadii ugu deeqo inta dhaawacaana u booga dhayo oo caafimaad deg deg ah
Siiyo.
Waxaan aad uga xumahay BJFS oo loo dhisay danaha Umadda Soomaaliyeed wixii maanta ka dhacay dhexdiisa oo ay muuqatay in qaar ka mid ah dhexdiisa uga dagaalameen in aan xaalada Boorame la soo hadal qaadin raalina ka ahaa dhiiga reer Boorame oo sida naxariisdarada ah loo daadinaayo.
Aan dulucda aado waa qaylodhaan iyo dhiilo,dareen Soomaalinimo. ( Wixii dhiig lahoow kaca) dhalinyaro,culumo ,oday dhaqameed iyo aqoonyahan yaan loo kala harin sidii lagu joojin lahaa dhiiga ku qubanaaya Boorame, waana in aan af, maal iyo adin wixii aan ku baajin karno ku baajinaa siisocoshadiisa sida sharciga Islaamku na faray.
Wabilaahi Towfiiq.
Dhiblaawe.
Leave a Reply