Sawiro:Wasiirka Qoyska oo la kulantay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qatar

Khadiijo

Wasiirka wasaaradda Qoyska dowladda FS Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi oo ku guda jirta safarkeeda dalka aan walaalaha nahay ee Qatar, ayaa maanta kulan la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Qatar mudane Maryam bint Cabdulla Al-Attiyah.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Qatar, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen sidii labada dal ay iska kaashan lahaayeen horumarinta xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS Danjire Khadiija Al-Makhzoumi, ayaa la wadaagtay Guddoomiyaha guulaha waaweyn ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo sidii loo sii xoojin lahaa horumarrada laga sameeyay dhanka xuquuqul insaanka ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.