Xaalka Soomaaliya Ma Kadar oo Dibi Dhal Baa???

calan

Waxaanu ogayn in hardan siyaasadeed oo ka dhexeeya Wax lagu sheegay DFS iyo mucaarad uu wadaan ka aloosnaa caasimada dalka ee Muqdisho, waxaa na daashaday oo dhegaheena ka batay musuq baahsan oo dalka ka jira oo xarga goostay.


Bal aan wax ka tilmaano dhagarta aan la soo koobi karin ee DFS masuuliinteedu dalka ka sameeyeen:-


1-Tastiurka dalka oo sida rabitaanka masuuliinta maanta joogtaa rabto iyo dawlado shisheeye loo badelo.


2- Sharciyo aan loo marsiineyn habka xeerarka dalka oo si isdabajoog ama been abuur ah lagu ansixinaayo, intooda badana u adeegaya madaxda DFS iyo dawlada shisheeye.


3- Dagaalo laga abuuro beelaha Soomaaliyeed dhexdooda iyo maamulada.


4-Barakicinta dadka danyarta ah oo aan loo aabayeelayn iyo naxariisdaro xarga goosatay.


5- Dagaalkii Al Shabaab oo daneysi gaara looga mashquulay.

Dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo jira oo mucaaradku halhays ka dhiganayeen anagu shacab ahaana aan u dheg raaricineynay, waxay na tuseen nuxurkooda dhabta ah iyo waxay yihiin go’aanka ay ka soo saareen Neyroobi.


1-Maxaa u diiday in ay ku shiraan Kismaayo ama garoowe?.


2-Maxaa kalifay in Shirka ay dawlada Keenya maamulkiisa iyo qaabayntiiaa yeelato?.


3- Miyey ilduufeen ayyaga oo la hadlaaya bulshada Soomaaliyeed in ay bayaankooda ku soo daraan mahadcelinta Keenya ay uga mahadcelinayaan maaraynta iyo maamulida shirkooda?


4-Keenya iyo Itoobiya sow kuwii danaha Soomaalida laga ilaalin jiray maaha,goormay noqdeen ilaaliyayaasha danaha iyo nabada Soomaaliya?.


Aan soo gunaanadee sow arintu maaha ka dar oo dibi dhal? Arinta Damu Jadiid ee aan la yaabanayn waxaa ka sii foolxun kuwa mucaaradka sheeganaaya oo hadda afkooda isku toogtay markii ay arimaha masiiriga ah ee Soomaaliya ay Keenya la hoos galeen ayyaga oo ku amaanaaya sida ay u maamushay shirkooda amaanka iyo xasilinta dalka soomaaliyana gacanta ugu hayso;(Meeshii cirka laga sugaayey baa ciiryaamo ka timid).


Sidii aan marar badan oo hore u iftiimiyey dal dadkiisa baa ilaashada ee haddii aan culumo leenahay,dhalinyaro leenahay iyo aqoonyahano aan u istaagno in aan ka badbaadino dalka Hooyo labadaan kooxood oo dhammaantood shisheeyaha u shaqaynaaya.
Wabilaahi towfiiq
W/Q Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.