Taariikhda Soomaalida ilaa xad waa qoran tahay Turkiga iyo Cismaaniintii baa wax ka qoray,Carabta oo wax badan dhaqan,ganacsi iyo xiriir Diineed ay lahaayeen baa wax ka qoray si gaar ah Masaarida oo la yiraahdo Marbayba xukumi jireen Soomaaliya baa wax ka qoray, waxaa kaloo wax ka qoray Gumeeystihii Reer Yurub oo mudada dheer Gumeeysanaayey, waxay ku suntan tahay dad qabweyn, sharaf iyo karaama leh gumeysi diid ah oo aan weligood madaxa hoos ugu dhigin gumeystayaashii isku dayey in ay gumeystaan.
Sidaas darteed bal aan ka soo biloowno qarnigii 14naad dhammaan dawladaha aan kor ku soo sheegay dad ka tirsan oo si dhexdhexaadnimo ah wax uga qoray iyo gumeystihii oo mar kasta asagu dantiisa qurxinaayey sharafta iyo halganka ummadda Soomaaliyeedna suurad xumaynaayey oo isna wax qoray, Isku soo wada duub waxaa ayyaan daro ah Annaga oo joogna qarnigii 21aad in dad Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwo sheeganaya barfasooro ay isku dayayaan in ay taariikhdii soo jireenka ahayd dhalan rogaan oo mudnaantii ay lahayeen kuwii dalka u soo halgamay ay kuwo anaan horay umaqal siiyaan, bal aan is weydiinee taariikhdii dugsiyada lagu baran jirey miyaa la tuuray? jawaabtu waa haah,waayo duulaanka dawladnimadii Soomaaliya lagu soo qaaday wuxuu ahaa mid dhan walba leh.
Sida burburin dawladnimo, aqoon iyo dhaqan, taariikh iyo halgan iyo weliba in joqoraafi ahaana loo badelo, waxaan dhawr jeer la yaabay arimaha hoose oo aan meediyaha ka maqlay ama aan ku arkay oo weliba qaarkood aan ka maqlay warbaahinta dawlada:-
1-Kacaankii 21kii Oktoobar waxaa hoggaaminaayey Salaad Gabayre.
2-:Axmed Gureey wuxuu ahaa Xaskul Hawiye.
3-Taariikhdii SYL oo dhammaanteed la siinaayo AHN Cabdullaahi Ciise ayyada oo la iloobaayo ragii 13ka ahaa iyo Yaasiin Xaaji Cismaan iyo Cabdilqaadir Saqaawadiin dhammaan AHN.
4-Calanka Soomaaliya waxaa sameeyey amiirkii abgaal iyo suldaankii biyamaal.
5-ugu danbayn halyaygii halgankii gobanimadoonka AHN Sayid Maxamed Cbdulle Xassan dadkii wax ka qoray waxay isku raceen in Daraawiish iyo Sayid Maxamed ka adkaadeen boqortooyadii Igiriiska ee aan calankeedu cadceedu u dhici jirin
balse diyaaradii ay ka adkaatay Faraskii laakiin book gumeystihii Ingiriisku qoray buu cinwaan uga dhigay (THE MAD MulAH) oo uu ula jeeday wadaadkii waalnaa si uu u suuradxumeeyo halgankii Sayid Maxamed, sow la yaab ma’aha maanta in Madaxweyne Soomaaliyeed oo sanad todobaatan kor u dhaafay shahaadada aqoonta u sareysa in haysto noo sheegay in maanta ku tilmaamo wadaadkii waalnaa isla markaasna goboladii ku suntanaa halganka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ku sunto goon xasaradeed jawaabta dadka Soomaaliyeed baan u daayey.
Ugu dambayn dadka Soomaaliyeed inta wax garanaysa, aqoonyahanka fiyoow iyo dhalinyarada waxaan ku baraarujinayaa dalka. diinta, dhaqanka iyo taariikhdii Dahabiga ahayd ee jiilaalkii naga horeeyey waa lagu soo duuley waxaana loo adeegsanayaa mid Soomaali ah afkayaga ku hadlaaya Cadawna u shaqaynaaya ee aan iska badbaadino in uu na dhalan rogo oo na duleeyo.
Wabilaahi towfiiq
Cabdullaahi Jimcaale
Leave a Reply