QoorQoor oo ka qayb galay saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamareeb ilaa Qiridhi

qoorqoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa ka qayb galay saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamareeb ilaa Qiridhi, oo dhererkeedu yahay 60 km.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa soo xiray shirka guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Soomaaliya, kaas oo saddexdii biloodba mar la qabto, ayna soo agaasinto Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulanka ay marti-gelisay Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.