Axmed Madoobe oo Ku Baaqay in Dalka Laga Badbaadsho Xasan Sheekh

Axmedmadoobe

Dowladda Jubaland waxay u aragtaa in xaaladda uu dalku maanta ku sugan yahay ay lagama maarmaan ka dhigeyso wadatashi qaran iyo in si dhab ah diiradda loo saaro arrimaha mudnaanta leh, maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka weecatay dhammaan ajandeyaashii muhiimka ahaa, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Jubaland waxay soo dhaweynaysaa baaqyada ka imanaya dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan in wadatashi guud laga yeesho jihada uu dalku ku socdo. Sidoo kale, Jubaland waxay si buuxda u taageeraysaa baaqii ka soo baxay Madasha Samatabixinta Dalka, ee ku saabsanaa marxaladda adag ee uu dalku maanta ku jiro.

Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ay ku guuldarreysatay hoggaan mideeya shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si joogto ah ugu mashquulsan tahay dano siyaasadeed oo gaaban oo sii fogeeyay kalsoonidii shacabka.

Sidaas darteed, jubaland waxay aaminsan tahay in badbaadada dalka ay ku jirto talo wadaag qaran iyo hoggaan dhab ah oo mas’uuliyad ka qaata mustaqbalka Soomaaliyeed.

Dowladda Jubaland waxay ugu yeeraysaa shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan midnimada iyo badbaadada dalka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu dhisayo mustaqbal ay hoggaan u yihiin shacabka, laguna dhisayo.

                     DHAMAAD

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.