Maxay Ka Dhigan Tahay Dhismaha Maamulka Waqooyi Bari SSC iyo Maakhir

Waqooyibari

Waqooyibari ama (SSC iyo Maakhir) wixii la oran jiray waxay soo mareen marxalado kala gedisan ilaa burburkii dawladii Soomaaliya ku waas oo qaarkood ahayeen kuwo xanuun badan oo xasuustooda leh.


Waxaan ognahay in ay dhexda u galeen labada maamul ee duminta Soomaaliya u sababta ahaa oo shisheeyuhu u adeegsaday burburintii dawladii Soomaaliya.

Maxaa dhacay?.


1-Waxay u leexdeen kuwii ay isku haybta ahaayeen,waxayn wax ka dhisteen maamulka Puntilaandhi.


2-Waxaan ognahay in maamulka Pintilaandhi uu ka talinaayey ilaa Gobolka Cayn.


3-Ayada oo ayan dagaal ka dhicin oo aan xoog lagu kala qabsan Puntilaandhi waxay u banaysay Soomaalilaandhi ama SNM magaran karo sabab ay ku dhici kartay oo aan ahayn in heshiis lagu ahaa in la dhibaateeyo Reer Sool iyo Cayn.


4-mudo sanooyin ah waxaa ku socday dilal qorshaysan oo aan wax layska weydiin jirin, ayyada oo ay tastuurka Puntilaandhi ku qoran tahay in ay ka mid yihiin ,laakiin ay dhibtaas sheeda ka eeganayeen.


5-arintaas waxaa ka dhashay kacdoon dagaal qaraar oo ay galeen Sool iyo Cayn oo qaatay mudo sanad ku dhaw oo nafhurnimo ah, waxaa loo daadiyey dhiigbadan, waxaana u barakacay kumanyaal qoys oo aanan halkaan ku qiyaasi karin dhibtii gaartay waayeelka iyo caruurta.


6-Si kastaba waxaa guusha horaanteedii lagaaray maalintii darbigii cadawga la jebiyey ee Goojacade.


7-dhismaha waqooyibari State waa guushii labaad.


8- In Cabdulqaadir Aw Cali(Firdhiye) loo doorlto madaxweynaha shanta sano waa guul kale oo u soo hoyatay Reer Waqooyibari, waayo waxaa la yiri ( Xarig caraabo ninkii xiray baa fura) waayo wuxuu ka mid ahaa ragii naftooda u huray guushaan kuwo shihiiday iyo kuwo noolba sida Cabdi Madoobe, Jabuutiyaabi iyo garaad gala dagaalka iwm.


Ugu dambayn waxaan aad uga xumahay raga durba dhaliisha iyo mucaaradnimada bilaabay markii wax u dheci waayeen sayrabeen, miyey iloowsan yihiin murtilda Dhahaysa (Haddii gacantu kaa gasho meel ciriiri ah laguma dhufto ee waa la dhiraandhiriyaa).


Ma iloowdeen in laba cadaw oo idiin heshiiyey aad u dhaxaysaan oo dhawaaqii ugu danbeeyey ahaa heshiiskii Ciro iyo Deni labadayada maamul loo dhaxayn maayo?.


Ugu denbayn kuwa Firdhiye mucaaradsanoow u kaadiya geela danbe baan fuudka u qaboojin doonaaye.


Wa bilaahi towfiiq.
Cabdullaahi Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.