Xasan Cali Khayre oo Cambareeyey Xariga Loo Gaystay Nabadoon Xaadoole

Xadoole

Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay xarigii Muqdisho loogu gaystay Nabadoon Xaadoole oo kamida Waxgaradka Gobolka Banaadir.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa xarigga ay dowladdu kula kacday Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole), oo caawa waaran la’aan lagu afduubay degmada Xamarweyne, kadib markii uu ka hadlay dhulboobka iyo barakicinta ay dowladdu ka waddo caasimadda dalka.

Xarigga Nabaddoon Xuseen Xaadoole waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo codka shacabka, wuxuuna xadgudub ku yahay xuquuqda muwaadinka iyo qodobka 18aad ee Dastuurka Dalka oo muwaadin kasta xaq u siinaya in uu si xor ah u cabiro fikirkiisa.

Nabaddoon Xuseen Xaadoole waa qareen u taagan difaaca dhulka danta guud iyo afhayeen u dooda xuquuqda dadka danyarta ah. Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Nabaddoonka, lana joojiyo dhulboobka, barakicinta danyarta, iyo caburinta shacabka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.