Farmaajo ayaa Cambaareeyey Xariga Loo Gaystay Nabadoon Xaadoole

farmaajo

Waxaan cambaareynayaa xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka mid ah odeyaasha dhaqanka Gobolka Banaadir.

Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan.

Madaxweynaha waxaan ku adkeynayaa in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas oo dhaawacaysa dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka.

Sida ku cad qodobada 15aad, 18aad iyo 20aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah, oo qeexaya xorriyadda kulanka, bannaanbaxa, cabashada iyo codsi wadareedka, waxa uu qof kasta xaq u leeyahay xorriyadda hadalka kana qeyb-qaato ama abaabulo kulammo uu ku muujinayo cabasho. Sidaas darteed waxaan ka digaynaa caburinta dadweynaha iyo ficillada noocaan ah ee lagu beegsanayo hormuudka bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.