Daawo:Soomaliland oo Eedayn Kulul Ujeedisay Dowlada Soomaaliya

Ciro

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Kulankan ayaa laga soo saaray go’aamo adag oo lagu cambaaraynayo, lagagana digayo cawaaqib-xumada ka dhalan karta fara-gelinta qaawan iyo hurinta colaadaha qabaliga ah ee uu
maamulka Muqdisho ku hayo Deegaanno dhul ahaan, soohdin ahaan iyo taariikhba ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, sida Bariga Gobollada Sool iyo Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.