Wasaaradda Gaashandhiga XFS oo war ka soo saartay qarax maanta ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad

qarax

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay dhagar-qabe naftii hallige ah, kaasi oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Qarax ayaa saaka abaare 11:20AM ka dhacay afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo uu fuliyay qof naftii halige ah oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab.”

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in laamaha amnigu ay hadda wadaan baaritaanno ku saabsan falkaasi argagixiso, isla markaana bulshada Soomaaliyeed lala wadaagi doono natiijada baarista marka ay soo dhammaystiranto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.