
Xildhibaan Cabdirashiid Jiley oo ka hadlay Ganacsato iyo Odayaal kasoo jeeda deegaanada KGS oo lagu xiray Gaalkacyo ayaa yiri’Waxaan si adag u cambaareynayaa falka beegsiga ah ee rer koonfurgalbeed lagula kacay magaalada gaalkacyo ee maamulka puntland falkaas wuxuu ka fogyahay dhaqankeena iyo diinteena suuban ee islaamka ah.
Qof shaqsi ah haddii uu dil geysto waxaa dilkaas loo soo qabtaa qofka geystay haddii la waayo qaraabada hoose ee uu ka dhashay- taas oo muujineysa ilaalinta sharciga iyo kala danbeeynta nidaamka dowladnimo.
Raggan ganacsatada ah waxey u xiranyihiin muddo Seddax maalmood ah oo ay xorriyadooda u weysanyihiin waa beel dagan Maamulka Puntland, waxeyna ku andacoonayaan nin waa hore lagu diley Koonfurta Soomaaliya ayna ku tuhmayaan inuu reer Koonfur Galbeed yahay ninka dilay ninkaas.
Koonfurgalbeed waxaa dagta in ka badan 200 qabiil, beel dhibaato geystayna waxaa loo raadsadaa beesha gaarka ah ee dhibta geeysatay ee bulsho dhan looma bartilmaameysto, arintaan waxey abuuri kartaa dhaqan aan wanaagsaneyn sababtoo ah Koonfurgalbed waxaa ku nool dad reer puntland ah oo soo galay deegaanada koonfurgalbeed ku dhawaad 50sano kahor, soomaali wey wada dagantahay waxaa haboon in la ilaaliyo wada daganaashaha iyo dhaqanka soomaaliga ah.
Maamulka puntland waxaan ugu baaqayaa iney soo faragilinayaan arintaan ka dhacday magaalada gaalkacyo, sidoo kale Booliska qeybta Puntland ee Degmada gaalkacyana ay case-kaan kula xisaabtamaan.
Wabilaahi towfiiq.
Leave a Reply