Ciidamada Xooga iyo kuwa degaanka  oo saakay weerar ku qaaday Shabaab Ku Sugnaa deegaanka Ceelhareeri

dagaal

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaaday kooxda maafiyada dhiig-miiratada ah ee Khawaarijta.

Dagaalka ayaa ka socda duleedka deegaanada Ceel-Hareeri iyo Garas-magan, kuwaas oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga Ceel-Hareeri iyo Garas-magan oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Deegaanka ayaa halkaasi ka fuliyay howlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday goobihii ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay bulshada u dhibaateeyaan.

Wariyaha Warbaahinta Ciidamada oo ku sugan duleedka Garas-magan iyo Ceel-Hareeri ayaa soo sheegaya in howlgalka lagu gaarsiiyay Khawaarijta khasaare baaxad leh, isla markaana laga saaray goobihii ay kaga dhuumanayeen deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalladaasi ayaa u sheegay Warbaahinta Ciidamada in ay dhirbaaxo culus gaarsiiyeen cadowga, islamarkaana ay burburiyeen godadkii iyo meelihii ay isku aruursanayeen. Waxa kale oo ay sheegeen in Khawaarijtu ay si weyn uga jabeen dagaalladii hore ee ka dhacay Ceel-Hareeri iyo Garas-magan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.