
Dawlada Maraykanka ayaa ka hor timid go’aanadda Shirka Madasha ee Muqdisho ka dhacay dhawaan kaas oo ay ku tilmaameen midaan Looma dhamayn oo ka hor imaanaya xasiloonida Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan qeybta Afrika, ayaa si cad u dhaliishay go’aamadii siyaasadeed ee kasoo baxay shirkii dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeybgaleen qaar kamid ah madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada qaarkood marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland .
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan sida ay go’aamadaasi u muuqdaan kuwo aysan qayb ka ahayn dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaliya. Mareykanku wuxuu si toos ah u sheegay in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya ay tahay in lagu saleeyo wada-tashi ballaaran oo ay ka qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.
Bayaan Mareykanka ayaa lagu yiri: “Dhamaan daneeyayaasha muhiimka ah waa inay fursad u helaan inay ka hadlaan isbedel kasta oo lagu sameynayo nidaamka Federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go’aanno aan taageero ballaaran ka helin waxay yeelan doonaan sharciyad la’aan waxayna carqaladeynta doonaan xal u helidda caqabadaha amniga.
Leave a Reply