Sawiro:Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Is barasho ah La Qaatay Safiirka Turkiga

Dhaay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiirka ayaa kala hadlay Safiirka intii kulanka lagu guda-jiray siyaabaha sare loogu qaadi karo xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, waxa ayna isla qaadaa-dhigeen dhabbaha istiraatiijiyadeed ee lagu sii qoto-dheerayn karo wax wadaag ku suntan danaha labada dal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.