Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu Baaqay inuu Tixgaliyo Cabashada Qoyska Jeneraal Sheegow

Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii General Sheegow Axmed Cali oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Tacsida iyo murugada waxaan la qeybsanayaa qoyska, ehelada iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariisto, Marxuum Sheegow Axmed Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaan ugu baaqaynaa in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay, sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku.

Alle waxaan uga baryayaa Sarkaalka in uu ku mannaysto Jannatu Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo qarankiisa.-

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.