Farmaajo oo War Kasoo Saaray Dagaal Beeleedyo Ka Socda Galgaduud

farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war-saxafaadeed ka soo saaray dagaal beeleedyo ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Farmaajo ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaalkaas, isagoo ku tilmaamay “murugo iyo nasiib darro aan indhaha laga qarsan karin” isagoo beelaha dagaalamaya xusuusiyey inay yihiin “ehel iyo walaalo wada dhashay.”

Sidoo kale Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dadka reer Galgaduud uu ka tilmaamay bulshada Soomaaliyeed maanta looga baahnaa inay iskaashadaan, balse nasiib darro ay dib ugu noqdeen dagaaladii sokeeye.

Hoos ka aqriso bayaanka uu Farmaajo ka soo saaray colaadda Galgaduud:

Colaadda sokeeye ee sanadahan danbe ku soo noqnoqonaya gobolka Galguduud waa murugo iyo nasiib darro aan indhaha laga qarsan karin.

Reer Galguduud, waxaad tihiin ehel iyo walaalo wada dhashay oo maanta laga sugayey in ay iska kaashadaan horumarinta deegaankooda, lana tartamaan gobollada Soomaaliyeed ee u jihaystay nabadda, wadajir iyo dhismaha kaabeyaasha nolasha.

Aqoonyahanka deegaanka, waxgaradka, odeyaasha dhaqanka gobolka iyo Galmudug oo idil waxaan ku boorrinayaa in loo istaago dagaalkaas macno darrada ah, wiil iyo gabar danbane aysan nooga dhiman.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay saaran tahay masuuliyadda badqabka iyo ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay mudnaan siiso nabadda, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta deegaannada muddadan ay ka soo cusboonaadeen colaadaha sokeeye ee gobollada dalka.

ILAAH HA INOO NABADEEYO DALKEENNA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.