sawiro:Aadan Madoobe oo loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay weheliyaan gudddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo xubnaha Guddiga joogtada ah ee Golaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad gobolleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam , Guddoomiyaha Golaha wakiillada ee dowlad gobolleedka Jubaland, wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha Kala duwan ee bulshada magaalada Kismaayo.

Ujeedka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS uu u tagay Kismaayo ayaa ah kulanka banbaxa guddiga Joogtada ah oo maalmaha soo aaddan ka furmi doona magaalada Kismaayo, kulankaas oo diiradda lagu saari doono dejinta jadwalka kalfadhiga shanaad ee Golaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.