Daawo:Taliyaha Boliiska Puntland oo PSF ku eedeeyey Weerar ka dhacay Boosaaso

BoliisPuntland

Taliyaha Ciidanka Booliiska DPL Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa ka hadlay dhacdo maanta ka dhacday Saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxuuna Eedeeyn usoo Jeediyey Ciidamada PSF.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan ciidanka PSF oo cadow u arka booliska maamulka, sida uu hadalka u dhigay, isagoo ka warbixiyey weerar ay maanta ka geysteen saldhigga booliska magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay inuu aad uga xunahay in ciidan Puntland ka tirsan ay maalin kasta booliska beegsadaan, weerar iyo beegsi joogto ah ayey ciidankaas nagu hayaan,” ayuu yiri Taliye Muumin.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka PSF in aysan laheyn cadow aan booliska Puntland aheyn oo ay beegsadaan, wuxuuna sheegay in beegsiga ay ciidanka PSF ku hayaan booliska uu soo bilowday 2022-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.