Madaxweyne Laftagareen oo ka qayb galay xuska Maalinta Deegaanka Adduunka

Laftagareen

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta ka qeyb qaatay Munaasabad lagu weyneyney Maalinta Deegaanka Adduunka ee 5 juun oo Sanad walba Maanta oo kale la xuso.

Halku dhiga Munaasabada ee Sanadkan ayaa ahayd Dhireyn, ka hortaga nabaad guurka iyo u adkeysiga Abaaraha.

Madaxweynaha oo ay garab taagnaayeeen Wasiirka Deegaanka iyo marti sharaf kale ayaa muujiyey sida Maalintan muhiim ugu tahay Bulshada, isagoo sidoo kale Wasaaradda Deeganka iyo howlwadeenadeediii kala qeyb qaatay Dhir beeris Maalintan lagu weyneynayo si Deegaanka loo ilaaaliyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.