Sawiro:Ra’isal wasaare kuxigeenka oo dhagax-dhigay dhismaha socotada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

wasiir

Ra’iisul Wasaare KuXigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta Laanta socotada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo laga hirgaliyey Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in xaruntan ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u qaban jirtay hawlo muhiim ah oo ay kamid yihiin   dhinacyada  wacyi galinta, iska warqabka ciidanka, ka hortaga rabshadaha iyo howlagallada deg-deg ah, iyada oo hadana dib u dhis balaadhan lagu samayn doono, si ay kor ugu qaado shaqada Laanta socotada ee Ciidanka Booliska.

Dhagax dhigan ayaa waxa Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ku wehelinaayey Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.