Sawiro:Xasan Sheekh iyo Safiirka Turkiga ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyey Markab Dagaal

Xasansheekh

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka Turkiga ayaa galabta ka hadlay Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Badda Turkiga oo ku soo xirtay Dekadda Muqdisho ayaa sheegay in dhacdadan ay Soomaaliya uga dhigan tahay horumar weyn oo bilow u ah dhaqangelinta heshiiskii ay bishii Feberury wadagaareen Turkiga iyo Soomaaliya.

Heshiiskaas oo ku saabsan in muddo 10-sano ah Turkigu ilaaliyo ammaanka xeebaha Soomaaliya, islamarkaana loo tababaro ciidamada Badda Soomaaliya ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inuu ahmiyad weyn u leeyahay ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.

“Dhaqangalka heshiiska aan maanta u joogno waxa uu soo yaraynayaa mudadii ay inagu qaada lahyd inaan hello ciidan Soomaaliyeed oo badeena ilaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS  Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya oo ku jirta marxalad ay ka soo kabanayso dagaalkii sokeeye ay wadamo badan oo saaxiibo la ah ka caawinayaan sidii loo hagaajin lahaa amniga dalka, loona xoojin lahaa hay’adaha dowladda, balse Turkigu uu Soomaaliya u sameeyey gacan qabasho weyn oo ka balaaran saaxiibtinimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.