Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA.

Sanbalooshe

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Sanbalooshe ayaa horay ugu fashilmay Xilka Hay’ada Nabad Sugida, mwaxaa kaloo sanbalooshe laga soo cayriyey dalka Ingiriiska kadib markii si xun u dhaqmay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.