Wafti Ka Socda Puntland oo Gaaray Itoobiya iyadoo la xalin arintii Bada

Puntland

Sida ay sheegtay wasaaradda Airmaha Dibadda ee Itoobiya, wafti ka socda dawlad goboleedka Puntland ayaa waxay gaareen dalka Itoobiya, waxaana hor kacayay wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohamed farah Mohamed.

Kulan dhexmaray Itoobiya iyo Dowlad Goboleedka Puntland ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Dalka Ethiopia, gaar ahaan arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, wadaagga maalgashiga kaabayaasha, xoojinta ganacsiga labada dhan ka dhexeeya. Sidoo kale xoojinta isku xirka arrimaha bulshada labada dhinac, gaar ahaan waxbarashada iyo korontada.

Shirka ayaa sidoo looga wada hadlay xaaladda guud ee Gobolka.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday is faham iyo in si deg deg loo bilaabo arrimaha xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Ugu dambeyntii Wasaaraddaa Arrimaha Dibadda ayaa bogaadisay, kana hambalyeysan dib u doorashada Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo guud ahaan hannaanka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay Dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.