Daawo:Muuse Biixi oo Culumada ugu baaqay inay u jawabaan kuwa koonfurta

muuse

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan casho iyo Afur ah xarunta qasriga madaxtooyada ugu sameeyey culimaa’udiinka kala duwan ee dalka.

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa soo dhaweeyey culimada kala duwan ee kulanka kasoo qaybgashay, waxana uu uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar adaygeen duruufihii qallafsanaa iyo dalka iyo dadkuba soo mareen iyo sidii ay ugu soo adkaysteen waqtiyadii adkaa ee ay cilmiga faafintiisa kusoo bixiyeen, waxana uu caddeeyey inay ka dawlad ahaan qaadanayaan waanooyinka iyo wax sheegga culimada.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu culimada dalka ugu baaqay inay difaaca dalkooda ku dhiirradaan, kuna dhiirradaan jawaab ka bixinta wax kasta oo deelqaaf iyo qadaf ku ah qarannimada dalka, waxana uu yidhi,“Culimadu hoosta uun bay ka duceeyaan ee culimada kale ee dalka farogelinaysa uma jawaabaane, taas halla ogaado oo culimadu qaybtooda dalka haka qaataan marka ay culimada kale soo farogelinayso.”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.