Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo War kasoo saaray Dagaalka Ka dhacay Baladweyne

shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeya ciidanka Maamulka Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan Maamulka laga magac baxay Hiiraan State oo jooga magaaladaasi.

Madaxwaynihii hore Sheekh Shariif ayaa war Qoraal ah ka soo saaray dagaalka ka socda Baladwayne ayaa waxa uu marka hore tacsi u diray dhammaan dadkii ku naf-waayay iyo kuwii ku barakacay dagaalkaas.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay xoojiyaan nabadda, isla markaana ay ka feejignadan wax walbo oo keeni kara dhiig, wuxuuna dadka abaabulaya dagaalka ka dalbaday inay joojiyaan falkaasi.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxa dowlada Soomaaliya ugu baaqay inay qaadato kaalinteeda ku aadan sidii nabad iyo wadahadal loogu dhamayn lahaa arinta Baladwayne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.