Akhriso:Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka

xamze

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;

1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)

2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil

3. Muna Cumar Xasan

4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.

5. Axmed Maxamed Cabdi⁠

6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠

7. Hinda Daahir Jaamac

8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan

9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah iyo Heshiis u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsashada canshuuraha.

Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka, iyada oo goluhu xusay mudnaanta ay leedahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagaraha cadowga xilligaan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.