Dhageyso:Itoobiya oo Sheegtay Inay Maamusho Soomaliya Inteeda Badan

itoobiyo

Dowlada Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba 60 ay maamulaan Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed ay jecel yihiin ciidankiisa

Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya, Jeneral Birhanu Jula Gelalcha oo la hadlayey warbaahinta ETV ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay qayb ka yihiin kuwa masuulka ka ah amniga Soomaaliya xilli labada dal ay u dhaxayso xiisad ka dhalatay heshiiskii MoU ee ay Addis Ababa ku gaareen Itoobiya iyo Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Jeneral Birhanu Jula Gelalcha ayaa xusay in wax ka badan kala bar dhulka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan amnigiisa ciidamada Itoobiya, islamarkaana ciidankooda uu qeyb weyn ka yahay nabadeynta Soomaaliya. “Ciidankii Itoobiya waa kuwii Muqdisho qabtay ” ayuu ku yiri waryasiga uu bixiyey.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiintu aysan muujin xushmad la mid ah tan shacaka Soomaaliyeed u muujiyeen ciidamada Itoobiya ee gudaha 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.