Deegaanadii Xasan Sheekh Lacagta Looga Cunay oo Shabaab Dib u qabsaday iyo Cabsi Soo wajahday Shacabka Galmudug

Galmudug

Wararka ka imaanaya deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in goobo ka mid ah kuwii Al Shabaab lagula dagaallamay, horena looga saaray ay cabsi ka jirto, taasoo la xiriirta inay ku soo laabtaan ama soo weeraraan.

Deegaannadaas qaarkood ayey wararku sheegayaan in ciidanka dawladda, kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka uga baxeen sababo aysan maamulka Galmudug iyo dawladda federaalka sheegin.

Deegaano ay ciidanka dawladda iyo kuwa Galmudug ka baxeen ayaa dib ugu soo laabteen dagaallamayaasha AL Shabaab.

Deegaannadaas la baneeyey waxaa ka mid ah aagagga Caad, Camaara, Baacadwayn iyo Jeexjeexa oo dagaallo aad u kharaar ay ku dhex mareen ciidamada isla socda ee Galmudug iyo federaalka oo dhinac ah iyo Al Shabaab. Xataa deegaannada qaar waxaa dagaalladii ka dhacay ka qayb qaatay dayaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones).

Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa maaliyiin Doolar waxay uga qaateen Madaxwaynaha Soomaaliiya Xasan sheekh iyagoo Sheegay inay Ciidamo beeleedyo keenayaan si shabaab dalka looga Xoreeyo taas oo fashil Kusoo dhamaatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.