Xildhibaan Cabdishakuur oo Masuuliyad Daro Ku Tilmaamay Baajinta Kulankii Xildhibanada iyo wasiirada Duulista

shakuur

Waxaa la baajiyay Kulankii Golaha Shacabka ee loo balansanaa in berri oo Axad ah ay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Fardowso Maxamed Cigaal hor-timaado Golaha, si su’aalo looga weydiiyo hakadkii maalmo ka hor ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Dhacdada hakadka duulimaadka ayaa la xiriirtay lacago lagu soo rogay tikidhada rakaabka raaca duulimaadyada gudaha sida ganacsatadu ay la wadaageem warbaahinta.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aya Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Maxamed Cigaal u yeeray ka hor inta aan la baajin kulankaas, sida ay xildhibaanada qaar sheegeen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu kaga hadlaayey baajinka Kulankii Wasiirada Duulista Su’aalo lagu waydiin lahaa ayuu sidaan hoos ku qoran ka yiri.

“”Golaha Shacabka uu kulan si rasmi ah ugu yeero wasiir Xukuumadda ka tirsan si su’aalo looga waydiiyo dhibkii shacabka ay maalmo ka hor kala kulmeen garoonka diyaaradaha iyo lacagihii dulsaarka ahaa ee lagu soo rogay, haddana la baajiyo sabab la’aan waxay dhaawac ku tahay sumcadda guddoonka iyo Golaha.

Waxaa si cad loo jebiyey Qodobka 69aad ee Dastuurka iyo 59aad ee xeerhoosaadka Golaha shacabka ee la xisaabtanka Xukuumadda. Haddii madaxdii dalka aysan dastuurka iyo sharciga ilaalin, sidee inta kale ugu hoggaansmayaan.

War ka daaya waa tii ay ku duntee.

“Qof dastuurka magansaday

Sharcigana dabiib biday

Oon xeer difaacayn

Awoodaha dulsaarka ah

Maxaa uga damiin noqon

Mar- hadii rag doobshaa

Guddun daabka haystaan

Jarta meehsay doonaan”

Laabsaalax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.