Sawiro:Xamse ayaa xariga ka jaray xarun ay hirgalisay Shirkada Xildhibaan Xidig oo loogu talagalay ka hortagga isbeddelka cimillada

xidig

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa ka hortagga isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee la xiriira sidii loo heli lahaa Soomaaliya cagaaran oo ka guuleysata saameynta ay isbeddelka cimilladu ku yeelatay deegaanka.

Mashruucan oo qeyb ka ah hirgelinta hal abuurkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la xiriiray Soomaaliya Cagaaran iyo beerista 10, milyan oo Geed, ayaa waxaa hirgelinteeda iska kaashaday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Shirkadda uu lee yahay Xildhibaan Xidig ee ka hortagga abaaraha, horumarinta deegaanka iyo duurjoogta ee Afrika (ADILP).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.