Daawo:Xamse oo Sheegay inuu rajo ka qabo in Itoobiya ay ka noqon doonto heshiis ay la gashay Soomaaliland

muusebiixi

Ra’iisul Wasaaraha XFS , Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay hoggaanka maamulka Soomaaliland, wuxuuna xusay in ay danaynayso Soomaaliya nabad ku wada noolaasho.

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee maxadka cilmi barista Heritage ayaa intaa ku daray in ka dowlad ahaan marnaba aysan aqbalayn in lagu xad gudbo madax bannaanida Soomaaiya.

Ra’iisul wasaare Xamse” Wali waxaan rajo ka qabnaa in Ethiopia ay ka noqo doonto MOU ga aan sharciga ahayn, anaga waxaa naga go’an in dariskeena aan kula noolaano Nabad laakiin ma aqbaleyno ku xadgudubka Madaxbanaanideena”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.