Guddoomiyaha Banaadir ayaa furay kulan looga hadlaayo dhameestrika Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyso

jimcaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay kulan looga hadlaayo soo jeedinta ku aadan dhameestrika Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyso, kaasi oo ay ka doodayaan guddi uu dhawaan Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddigaan ayaa waxa ay sidoo kale ka shaqeyn doonaan soo diyaarinta Xulashada ugu wanaagsan ee ku haboon Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho iyo in Bulshada Gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aadan dhameestrika Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyo, si talooyinkooda ugu biiriyaan.

Natiijada ka soo baxdo doodaha farsamo ee guddigaani iyo talooyinka laga soo aruurin doono shacabka caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameestirka dastuurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.