Akhriso:Ethiopian Airlines oo joojisay isticmaalka hawda Soomaaliya

itoobiyaairline

Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Soomaaliya, kuwaasi oo tagi jiray dalalka Aasiya.

Duullimaadyada diyaaradaha shirkadda ee tagi jiray dalalka Aasiya ayaa waxay markii hore sii mari jireen hawada Soomaaliya, taasi oo imika ay shirkaddu sida ay sheegtay joojisay.

Maamulaha guud ee shirkadda diyaaradaha Itoobiya Mesef Tase ayaa yiri, “shirkadda ayaa go’aankan gaartay, sababtoo ah ma aysan helin “adeeg duulista hawada” oo ammaan ah taasi oo aysan ka helin maamulayaasha hawada Soomaaliya.

Ato Mesfen ayaa sheegay in go’aankooda uu sidoo kale la xiriiro dhacdadii ka dhacday hawada Soomaaliya bartamihii bishii aanu soo dhaafnay.

“Iyadoo la raacayo hab-dhaqanka caalamiga ah, waxaanu ku wargalinnay hay’adaha duulista rayidka ee ay qusayso marka shil noocan oo kale ahi dhaco, waxaa lagu wargeliyay hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu u sheegay BBC-da. Balse, wuxuu intaas ku daray inaysan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Ato Mesfen ayaa xusay in dhacdadii Sabtidii ay ka dhigtay shirkadda Ethiopian Airlines inay qaadato go’aankan sababo la xiriira ammaanka iyo badqabka hawada Soomaaliya.

“Sidaa darteed, maalin ka dib dhacdadani oo dhacday Axaddii, Febraayo 17/2024, waxaan shaaca ka qaadnay in Ethiopian Airlines ay go’aansatay inay joojiso isticmaalka hawada Soomaaliya.

Mr Mesfen ayaa farta ku fiiqay in maaddaama uusan jirin adeeg la isku haleyn karo dhinaca hawada (Soomaaliya) ay isticmaali doonaan waddooyin kale iyada oo la eegayo bad-qabka.

Madaxa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegay in diyaaradihii hawada Soomaaliya u adeegsan jirtay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay dalalka Aasiya ay hadda duullimaadyadooda mari doonaan dhanka hawada dalka Jabuuti.

Waxa uu intaa ku daray in diyaaradda Ethiopian Airlines ay hawada Jabuuti isticmaalayso “iyada oo uusan qarash dheeri ah kaga bixin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.