War-murtiyeed laga soo saaray shirka Wasaaradaha Awqaafta DFS iyo kuwa dowlad Goboleedyada

muqtaar

Wasiirka  wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta soo xiray  Shirweynaha wadatashiga Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedyada dalka,oo ka socday Muqdisho.

Shirkan oo mudda shan cisho ah ka Socday magaalada muqdisho ay looga hadlayay iskaashiga la dagaalanka fikirka xagjirka,kaas oo inta uu socday looga dooday sidii dalka looga suulin laha fikirka xagjirka ah

Dood wadaag ku saabsan ka Hortaga iyo Daaweynta xagjirnimada Rabshadaha wata ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay inta uu socday,Waxaana Dooda ka qeyb qaadanayay Culimada Diinta,Odayaasha Dhaqanka,Haweenka iyo Dhalinyarada.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta XFS Abuukar Jeylaani oo gabagabada shirka ka hadlay ayaa yiri ‘’Culimada Soomaaliyeed agtooda ayay taallaa sidii ay xagjirnimada u baabi’in lahaayeen”

Shirka ayaa ugu dambeyn laga soo saaray warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban:-

1) in la joogteyo wadashaqeynta ka dhaxeyso wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Heer faderaal iyo mid maamul goboleed,si loo dar-dargaliyo howlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arimha DFS iyo kuwa xunha ka ah dowaldda.

2)wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta heer faderaal  iyo mid  dowlad gobleedya waxa ay isla qateen in shirkadaha ku tartamayo adeegga xajka in warqadda ogolaansha ah ay kasoo qaataan wasaaradaha dowlad goboleedyada ay ka tirsan yihiin tartanka ka hor.

3) in wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Heer faderaal iyo kuwa dowlad goboleedyada ay si siman u wadagaan deeqaha waxbarashada iyo mashariicda hormarineed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.