Daawo:Wasiir Maareeye oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Booskaaga Beer ka sameyso

maareeyegedotimes

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Daahfuray Mashruuca Booskaaga Beer ka sameyso,kaa oo lagu hormarinayo waxsoo saarka dalka.

Kulanka daahfurka waxa ka qeybgalay wasiiru dowlaha wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane, Asad C/risaaq,Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Beeraha maamul goboleedyada dalka.

Mashruucan oo laba weji leh, wejiga koowaad waxay Dawladdu ku taageeraysaa dadka beeraha ku leh magaalooyinka agtooda  iyo dadka reer magaalka ah ee leh Boos dhuleed oo magaalada u dhow, waxaa lagu taageerayaa oo lagu dhiirigelinayaa sidii ay beertooda ama booskooda uga sameysan lahaayeen Beer iyo Xoolo isku dhafan oo haysta ceel biyood, matoor, Koronto solar ah iyo Calaf Xoolaha oo 7 Casho ku soo go’aya (hydroponic Grass). Wejiga 2-aad waxaa laga hirgelinayaa dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Daah-furka mashrucan ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradu ay ku da’daali doonto sidii Beera looga sameeyn lahaa dhulalka bannaan ee daafaha magaalada ku yaal, sii Sara loogu qaado waxsoo saarka dalka,dadka Soomaaliyeedna la baro qaab fudud Quudkooda (Cuntadooda) ula soo bixi karaan iyagoo degan oo aan guurguurayn (Agropastoral Community)l.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.